Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan dhulka u dhaxeeya degmooyinka Warsheekh iyo Xawaadleey. Howlgalladan ayaa la sheegay in ay qayb ka yihiin dadaallada lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al‑Shabaab. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ku sugan deegaannada Qorilow iyo Jabad Godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyay in ay laba jibbaaraan howlgallada ka dhanka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta uu saxiixo dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay, kaas oo ay dhowaan ansixiyeen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Munaasabadda saxiixa oo la filayo inay ka dhacdo Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb geli doona Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, xubno ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa habeenno ka hor sheegay in dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay uu si rasmi ah u dhaqan geli doono marka uu…
Dowladda Itoobiya ayaa kumanaan askari iyo qalab culus oo ciidan u daad-gureysay gobolka Tigree ee waqooyiga dalka, sida ay sheegayaan warar ka soo baxaya ilo kala duwan. Ciidamada la geeyay gobolka ayaa la sheegay inay wataan dabaabaadka dagaalka, saanad ciidan, diyaarado iyo hub culus oo kala duwan, kuwaas oo la gaarsiiyay aagga xuduudaha gobolka Tigree saacadihii la soo dhaafay. Warbaahinta caalamiga ah ee The Wall Street Journal ayaa ku warrantay, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in dhaqdhaqaaqan milatari uu ku soo beegmayo xilli xiisad siyaasadeed iyo mid amni ay mar kale ka soo cusboonaatay gobolka Tigree. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen…
Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta ee Dowlad-goboleedka Puntland ayaa soo saartay amar cusub oo ku saabsan isticmaalka cod-baahiyeyaasha (sameecadaha) masaajidda inta lagu jiro tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa lagu faray culimada, imaamyada masaajidda, mu’adiniinta, iyo maamulka degmooyinka in la damiyo cod-baahiyeyaasha dibadda ee masaajidda inta lagu guda jiro salaadda Tahajudka. Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankan looga gol leeyahay in la yareeyo dhibaatada buuqa ee ka dhalata cod-baahiyeyaasha, gaar ahaan dadka waayeelka ah iyo dadka xanuunsan ee guryaha ku jira, kuwaas oo ay ku…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta wada hadal telfoon la yeeshay Madaxweynaha dalka Isutagag Imaaraadka, Sheekh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Jabuuti. Wadahadalka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xaaladda colaadeed ee ka taagan mandiqadda Bariga Dhexe, iyadoo ay isla falanqeeyeen saamaynta ay ku yeelan karto xasilloonida gobolka iyo dadaallada lagu gaari karo nabad waarta. Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka u dhexeeya Djibouti iyo Imaaraadka Carabta, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee danaha wadaagga ah. Wararka laga helayo Jabuuti ayaa tilmaamaya in hoggaamiyeyaashu…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga qayb galay, magaalada Arusha ee dalka Tanzania, Meertada 25-aad ee Shir Madaxeedka caadiga ah ee Madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika, halkaas oo Madaxda dalalka xubnaha ka ah ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga gobolka iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Madasha kusoo bandhigay guulaha muuqda ee Soomaaliya ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda, dowlad-wanaagga iyo dhammeystirka Dastuurka dalka, isaga oo muujiyay sida Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Bariga Afrika. Intii uu Shirku socday, waxaa madasha kulanka lagu dhaariyay, Garsoore Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi…
Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliya, kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta taliska ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo marti sharaf kale. Intii ay socotay munaasabadda, waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay taliska iyo mas’uuliyadda hoggaaminta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed taliyaha cusub. Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi) ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku sheegay in uu xoogga saari doono dib-u-dhiska, tayeynta iyo…
In ka badan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen roob xooggan oo ka da’ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo sababay fatahaado iyo burbur soo gaaray waddooyin badan. Roobka oo aad u xooganaa ayaa jaray waddooyin muhiim ah, waxaana la sheegay in xaaladda magaalada ay gaartay meel halis ah, iyadoo gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa dadka ay si weyn u saameeyeen. Qaar ka mid ah xaafadaha ayaa sidoo kale la sheegay in ay biyuhu galeen guryaha iyo goobaha ganacsiga. Hay’adaha gurmadka degdegga ah iyo maamulka magaalada ayaa wali wada baaritaanno ku saabsan khasaaraha ka dhashay fatahaadaha, iyadoo digniino dheeraad…
Dowladda Soomaaliya waxay markaan isku diyaarineysaa in aanay mar kale soo laaban dhacdo lamid ah weerarkii lagu jabsaday nidaamka E-Visa-ga dalka. Muqdisho ayaa maanta lagu daahfuray xarun cusub oo loogu talagalay ka hortagga iyo ka jawaabidda weerarrada dhanka internetka ee lagu beegsado hay’adaha dowladda. Xaruntan waxaa hirgelisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo ujeedkeedu yahay xoojinta amniga dhijitaalka ah ee dalka iyo ka hortagga in mar kale la jabsado nidaamyada internetka ee dowladda. Mas’uuliyiin sar sare oo katirsan Dowladda ayaa ka qeyb galay munaasabadda, iyaga oo sheegay in qorshahaan uu wax badan ka tari karo dowladnimada Soomaaliya.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inay maalinta Axadda yeeshaan kulan degdeg ah, kaas oo looga hadlayo weerarro lagu eedeeyay Iran oo ka dhacay dalal dhowr ah oo Carbeed. Kulankan oo lagu qaban doono hab muuqaal-shir (video conference) ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda amni ee gobolka iyo saameynta weerarrada lagu sheegay inay Iran ka fulisay ama ku lug leedahay, iyada oo ka jawaabeysa weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil. Wararka laga helayo Jaamacadda Carabta ayaa sheegaya in kulankan degdegga ah ay codsadeen dalal dhowr ah oo xubno ka ah ururka, kuwaas oo kala ah Kuwait,…