DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Hoggaamiyaha Cusub ee dowladda Iiraan Mojtaba Khamenei oo dhaawacmay

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Mojtaba Khamenei, oo lagu tilmaamay hoggaamiyaha sare ee cusub ee dalka, uu dhaawac kasoo gaaray dagaalka ka socda Iran.

Telefishinka rasmiga ah ee dowladda ayaa baahiyay warbixin sheegaysa in Mojtaba Khamenei uu dhaawacmay xilli uu socday weerar militari oo lagu qaaday goob uu ku sugnaa. Warbixinta ayaa tilmaantay in dhaawaca uu ka dhashay weerar la rumeysan yahay in markii hore lagu bartilmaameedsaday aabihiis, hoggaamiyaha sare ee Iran Ali Khamenei.

Sida lagu sheegay warbaahinta dowladda, weerarkaasi ayaa sababay khasaare kale oo dhimasho ah. Waxaa la sheegay in hooyada Mojtaba Khamenei iyo xaaskiisa ay ku dhinteen isla weerarkaasi, inkastoo aan weli la shaacin magacyadooda ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada.

Ilaa hadda, ma jiraan warar madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya xaaladda caafimaad ee Mojtaba Khamenei ama faahfaahinta weerarka la sheegay. Dowladda Iran sidoo kale si buuxda uma faahfaahin halka uu weerarku ka dhacay iyo cidda ka dambeysay.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli xiisad militari ay ka jirto gobolka, iyadoo wararka kasoo baxaya Iran ay sheegayaan in weerarro kala duwan ay ka socdaan meelo ka mid ah dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *