LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Degmada Buurhakaba oo lagu soo bandhigay Ciidamo la dagaalamaya Laftagareen

Wararka ka imanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in maamulka degmada uu bilaabay abaabul iyo hubeyn ciidamo cusub oo ka tirsan deegaanka, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya degmada iyo maamulka Maamulka Koonfur Galbeed.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in masuuliyiinta degmada ay wadaan qorshe lagu xoojinayo ciidamo deegaanka ah, iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan lagu arkayo qaybo ka mid ah Buurhakaba maalmahan. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in la bilaabay abaabul iyo diyaarinta dhalinyaro cusub oo lagu darayo ciidanka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Buurhakaba iyo madaxda maamulka Koonfur Galbeed. Khilaafkan ayaa sababay in dhinacyadu ay qaataan mowqifyo kala duwan, iyadoo weli ay socdaan dadaallo lagu xallinayo arrinta.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in hubeynta ciidamadan cusub ay la xiriirto isu diyaarinta xaalad kasta oo amni ama siyaasadeed oo ka dhalan karta khilaafka jira. Si kastaba ha ahaatee, weli si rasmi ah looma shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qorshaha hubeynta iyo tirada ciidanka la abaabulayo.

Maamulka degmada Buurhakaba iyo kan Koonfur Galbeed midkoodna weli si cad ugama hadlin arrintan, iyadoo la filayo in saacadaha ama maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *