Kooxo dhac u geysanaya Dadka kusoo barakacay Beledweyne

Laamaha ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in uu gacan adag ku qabanayo Kooxo hubaysan oo la shaaciyay in ay dhac u gaystaan qoysaska ka barakacay abaarta ka jirta deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle.
Saraakiil katirsan Ciidanka Booliiska ee Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in mas’uuliyad wayn ka saaran tahay wax u qabashada qoysaska barakacay ee xaaladaha adag wajahaya si loogu ilaaliyo kaalmada kooban ay helaan.
Dhanka kale Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle ayaa sheegay in ay gacan qabanayaan qoysaska ku dhibaataysan deegaanka Ceel Jaalle, waxaana uu intaas ku daray in ay la kaashanayaan cid weliba oo qayb ka noqon karta gurmadkaan.
Deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan waxaa saamayn taban ku reebay abaarta ka jirta Dalka, qoysaska degay xeryaha barakacayaasha ayaa isugu jira Xoolo dhaqato iyo beeralay kuwaas oo haatan la sheegay in ay ka gacan maran yihiin wixii ay haysteen.









