Puntland oo ku dhawaaqday inay Muqdisho u direyso Ciidamo la dagaalama Madaxweyne Xasan Sheekh

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland, Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in Puntland ay qorsheyneyso inay diyaariso ciidamo loo soo dirayo magaalada Muqdisho si ay uga hortagaan waxa uu ku tilmaamay damaca Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Taliyaha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan looga soo horjeeday wax ka beddelka dastuurka, halkaas oo uu ka sheegay in shacabka ku nool Muqdisho ay ka qabanayaan Madaxweynaha haddii uu isku dayo inuu sameeyo muddo kororsi.
Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay qorsheyneyso doorasho ka dhacda Muqdisho iyo gobollada kale oo ay suuragal tahay inuu dhiig ku daato. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay walaac ku abuurtay maamulka Puntland.
Sidoo kale, taliyaha ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu doorashada dalka ku qabto waqtigeeda, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta khilaaf siyaasadeed iyo qalalaase amni.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay taagan yihiin dooddo siyaasadeed oo ku saabsan wax ka beddelka dastuurka iyo qaabka ay u dhici doonto doorashada soo socota ee dalka Soomaaliya.









