LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Al-Shabaab oo markale Dad ku toogtay Goob fagaaro ah

Kooxda Al-Shabaab ayaa sii wada dilalka ay u geysanayaan dadka ay ku eedeynayaan inay xiriir la leeyihiin sirdoonka Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka. Dilkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo shan ruux lagu toogtay fagaare.

Sida ay sheegtay Al-Shabaab, raggan ayaa lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen hagidda duqeymo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda, taasoo sababtay khasaare soo gaaray.

Boqolaal kamid ah shacabka ku nool degmada Saakow ayaa isugu yimid goobta lagu toogtay raggan, kadib markii ammar kasoo baxay Al-Shabaab lagu faray inay goob joog ka noqdaan fulinta xukunka.

Ragga la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray:

Aadan Maxamed Sheekh, 37 jir

Aweys Cumar Maye, 22 jir

Cabdirisaaq Maxamuud Faarax, 39 jir

Mayow Cabdi Sheekh, 40 jir

Maxamuud Xuseen Cabdulle, 29 jir

Al-Shabaab ayaa inta badan fagaare ku fulisa dilal ay ku sheegto inay yihiin xukuno ka dhan ah dad ay ku eedeeyaan basaasnimo ama la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay weli ka socdaan qeybo badan oo dalka ka mid ah howlgallo militari oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *