Author: Banaadir24 Editor

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay dadaallada ay ku raadinayso gurmad degdeg ah oo loo fidiyo gobollada sida daran ay u saameysay abaarta ka jirta dalka. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan dalal iyo hay’ado caalami ah si loo helo taageero bani’aadannimo oo lagu gaarsiiyo dadka ay xaaladdu saameysay. Dowladdu horay ayay u shaacisay in baahida gurmadka ay aad u ballaaran tahay, isla markaana awoodda dhaqaale ee ay hadda hayso aysan dabooli karin baahida ka jirta dhammaan meelaha ay abaartu ku dhufatay. Sidaa darteed, waxay ku baaqday in la helo garab istaag caalami ah oo degdeg ah. Guddoomiyaha Hay’adda…

Read More

Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay duleedka deegaanka Tardo oo hoostaga degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan ururka Al‑Shabaab. Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay inuu billowday kadib markii ciidamada Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka Tardo. Saraakiil ka tirsan Macawiisleyda ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka ay ku qaadeen goobaha Al-Shabaab uu sababay khasaare xooggan oo soo gaaray kooxda. Saraakiisha ayaa sheegay in ay gubeen gaari booyad ah oo ay lahaayeen Al-Shabaab, isla…

Read More

Dagaal u dhexeeya ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka socda kontorool ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay bannaanka deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi, dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamada Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen saldhig iyo kontorool ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Tardo. Ciidamada weerarka qaaday ayaa la sheegay inay isku dayayaan inay ka saaraan kooxda Al-Shabaab goobtaasi. Goobjoogayaal ku sugan aagga dagaalku ka socdo ayaa sheegay in weli la maqlayo rasaas culus iyo mid fudud, taasoo muujinaysa in dagaalku sii socdo. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi…

Read More

Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Yusuf Ali Salaad ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla dalka Maraykanka, kadib markii lagu soo eedeeyay dilka gabadh Soomaaliyeed oo ka dhacay gobolka Minnesota. Sida ay sheegeen booliiska, dhacdadan ayaa la sheegay inay dhacday 13-kii bishii December magaalada Richfield ee gobolka Minnesota. Eedeysanaha ayaa lagu tuhunsan yahay inuu toogtay gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Sumayo Gaabow. Wararka laga helayo hay’adaha ammaanka ayaa tilmaamaya in gabadha xabbad looga dhuftay garabka bidix, taas oo sababtay dhaawac culus oo ugu dambeyn sababay geerideeda. Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in markii la qabanayay eedeysanaha Yusuf Ali…

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla deegaanka Kuunya-Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku toogtay lix ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jaajuusiin la shaqeynayay sirdoonno shisheeye iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Goobta toogashada oo ay isugu soo baxeen boqolaal qof oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan fulinta xukunka ayaa kooxda sheegtay in ragga la dilay ay la shaqeynayeen sirdoonnada Mareykanka, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Al-Shabaab waxay sidoo kale ku eedeeyeen inay ka qeyb qaateen hagidda duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda. Ragga lagu toogtay deegaanka Kuunya-Barow ayaa kala ahaa: Cali Ibraahim Cabdi, 25…

Read More

Sida uu xaqiijiyay mid kamid ah Dadka degaanka, Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa isku gadaamay degmada Xawaadley oo ka tirsan Gobalka Sh/Dhexe kadib markii ay isaga baxday Kooxda Al-Shabaab. Ciidamada Dowlada oo kasoo runqaasaday degaanka Qalimow ayaa ku sugan meel 7km u jirto degaanka iyadoo dadka shacabka ah cabsi ka qabaan inay dib usoo laabato Kooxda. Sida ay sheegayso Xogta, tiro Maxaabiis ah ayay kooxda horay usii kaxeysatay lama yaqaano halka ay la aadeen, waxaana dhinaca kale jirto in qeyb kamid ah shacabka durba bilaabeen inay qaxaan ayaga oo ka baqaya in halkaasi ka qarxo dagaal culus oo u dhaxeeya labada…

Read More

Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa ku tilmaamay Dastuurka uu shalay saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mid “aan jirin” isla markaana uu ku sheegay been abuur. Senator Faroole oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in Dastuurkii hore ee dalka uu ahaa mid muddo dheer laga soo shaqeeyay, isla markaana ay diyaariyeen masuuliyiin Soomaaliyeed xilli ay xaaladda amni ee Muqdisho aad u adkayd. Faroole ayaa sidoo kale dhaliilay habka loo maray wax ka beddelka Dastuurka, isagoo sheegay in ansixinta ay sameeyeen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay saxiix uu maanta sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, kaas oo la xiriira wax ka beddelka Dastuurka dalka. Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in tallaabada uu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh ay khatar ku tahay dowladnimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka in ay ku xadgudubtay habraacyadii iyo nidaamkii loogu talagalay wax ka beddelka dastuurka. Farmaajo ayaa sheegay in mowqifka dowlad-goboleedyada ee ku aaddan laalistii dastuurka dalka iyo xildhibaannada labada aqal ee qaaddacay fadhiyada la xiriira arrimaha dastuurka…

Read More

Xildhibaano si weyn ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, isla markaana door muuqda ku lahaa doorashadii keentay inuu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Soomaaliya, iyo sidoo kale xubno mucaarad ah oo ka kala soo jeeda maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, ayaa lagu soo warramayaa inay qorsheynayaan inay is casilaan marka uu dhammaado muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka. Wararka laga helayo ilo ku dhow Baarlamaanka ayaa sheegaya in xildhibaanadan ay ku dhawaaqi doonaan in uu si rasmi ah u dhammaaday waqtigii dastuurku u cayimay ee ay xilka hayeen, marka la gaaro dhammaadka muddada Baarlamaanka oo ku beegan inta u dhaxeysa bisha Maarso ilaa Abriil.…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Nuqulka Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha dowladnimada iyo nidaamka sharci ee dalka, kaddib markii ay soo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Madasha saxiixa Dastuurka ee Qasriga Madaxtooyada ayaa tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya ay dowladdu billaabayso dhaqan galinta Dastuurka cusub ee dalka, kaasi oo uu xusay in uu saldhig u noqonayo xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka. “Maanta waxaa soo gabangaboobay, safarkii…

Read More