Axmed Madoobe oo Mareykanka kala hadlay in la billaabo la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah Mareykanka ee (AFRICOM), Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayay oo booqasho ku tegayMagaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta wada shaqeynta la-dagaallanka Al-Shabaab, iyo taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland.
Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM ayaa bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab ee ka howlgala Jubaland, kuwaas oo lagu jabiyay Al-Shabaab lagana gaaray guulo wax ku ool ah.
Sidoo kale, dhinacyadu waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa taageerada iyo wada shaqeynta u dhaxeysa ciidamada ammaanka Jubaland iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo dardargeliyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gudaha Jubaland, Yusuf Xuseen Cismaan, oo isna ka qeyb qaatay wada-hadallada la xiriira horumarinta amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada.
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa marar badan ku celcelisay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee lagu taageerayo ciidamada maxalliga ah si loo ciribtiro Khawaarijta loona xaqiijiyo nabad iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaannada Jubaland.









