Iiraan oo shuruud ku xirtay joojinta weerarada Israa’iil & dalalka Carabta

Taliyaha xarunta milatari ee Khatam al-Anbiya, Sarreeye Guud Cali Cabdullaahi, ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israa’iil aysan mar dambe awood u yeelan doonin inay weerar ku qaadaan Iiraan xilli ay iyagu doortaan, islamarkaana ay si fudud ku soo afjaraan dagaal kasta.
Sida ay baahisay warbaahinta Al Jazeera, taliyaha ayaa sheegay in xaaladda gobolka ay is beddeshay, isla markaana Iiraan ay diyaar u tahay inay si buuxda uga jawaabto weerar kasta oo lagu qaado. Wuxuu xusay in Tehran ay hadda awood u leedahay inay go’aamiso jihada iyo muddada dagaal kasta oo dhaca.
“Mareykanka iyo Israa’iil mar dambe ma awoodi doonaan inay dagaal nagu soo qaadaan xilliga ay rabaan, kadibna ku soo afjaraan waqtiga ay iyagu doortaan,” ayuu yiri Sarreeye Guud Cali Cabdullaahi.
Wuxuu intaa ku daray in Iiraan ay qaadi doonto tallaabooyin aargoosi ah oo ka dhan ah cid kasta oo weerar ku qaadda. Sida uu sheegay, hoggaanka sare ee dalka iyo ciidamada qalabka sida ayaa dalbanaya in jawaab adag laga bixiyo weerarrada lagu hayo dalka.
“Hoggaamiyaha Sare ee Jamhuuriyadda iyo ciidamada qalabka sida waxay dalbanayaan aargudasho, anagana waxaan ballan qaadnay in aargudasho la sii wadi doono ilaa cadowgu ka shallaayo weerarradii uu geystay, lagana adkaado,” ayuu yiri.
Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisadda u dhaxaysa Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil ay sii kordhayso, iyadoo marar badan ay is dhaafsadeen eedeymo iyo hanjabaado la xiriira amniga gobolka Bariga Dhexe









