LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: Lafta-gareen oo diiday bilaabista qaybinta kaararka cod-bixinta ee Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa diiday in la bilaabo qaybinta kaararka cod-bixinta ee deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalka Sacuudi Carabiya ka socdo shir xasaasi ah oo ay ka qaybgalayaan madaxda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle. Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka dalka iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in tallaabada uu qaaday Madaxweyne Lafta-gareen ay la xiriirto khilaafyo ka taagan habka loo wajahayo doorashooyinka soo socda iyo arrimaha awood qaybsiga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horay u shaacisay qorshaha hirgelinta doorasho qof iyo cod ah ayaan weli si rasmi ah uga hadlin go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee ku aaddan joojinta bilaabista qaybinta kaararka cod-bixinta.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan doodaha iyo walaacyada la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo doorka ay ku leeyihiin dowlad goboleedyada, iyadoo la filayo in shirka ka socda Sacuudi Carabiya uu saameyn ku yeesho jihada siyaasadeed ee arrimaha doorashada dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *