LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Jubbaland oo weerartay Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab & khasaaro ka dhashay

Ciidamo isugu jira Daraawiishta iyo Nabadsugidda Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ku dhow deegaanka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe, Gobolka Jubada Hoose, waxaana howlgalkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar ku qaadeen goobo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, sida ay sheegeen ilo kala duwan oo ku sugan gobolka.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland oo si hordhac ah uga hadlay howlgalka ayaa sheegay in bartilmaameedkii la beegsaday la gaaray, isla markaana khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab intii uu socday dagaalka.

Sidoo kale saraakiishu waxay tilmaameen in ciidamada Daraawiishta iyo Nabadsugidda Jubbaland ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo xaqiijiyo amniga deegaannada gobolka Jubada Hoose.

Deegaanka Kudhaa ee hoos yimaada Degmada Badhaadhe ayaa horey u noqday goob ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab. Weerar ay Al-Shabaab horey ugu qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa sababay khasaaro kala gaaray labada dhinac.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *