LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Diyaarado Cabsi ka Abuuray degaanno ka Tirsan Gobolka Mudug

Dadka ku dhaqan deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Jowle iyo tuulooyinka ku xeeran, ayaa sheegay in habeenkii xalay ay arkeen diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya kuwaas oo cabsi ku abuuray shacabka deegaanka.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, diyaaradaha ayaa markii ugu horreysay la arkay gelinkii dambe ee shalay, waxaana ay dul heehaabayeen ilaa saqdii dhexe ee habeenkii xalay. Inkastoo aysan jirin wax duqeyn ah oo ay fuliyeen, haddana joogitaankooda ayaa keenay cabsi iyo walaac soo foodsaaray dadka ku nool halkaas.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Yoolbaar Media ayaa sheegay in diyaaradahaasi si gaar ah ugu dul wareegayeen dhul ku dhow meelaha la rumeysan yahay inay saldhigyo ku leeyihiin kooxda Al-Shabaab ee ka howlgasha deegaanka.

Ilaa hadda lama oga ujeedada rasmiga ah ee duulimaadyadaasi, balse waxaa xusid mudan in marar hore diyaarado dagaal ay duqeymo ka geysteen fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla qaybo ka mid ah gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa weli feejigan, iyagoo ka cabsi qaba in duqeymo ay dhacaan haddii dhaqdhaqaaqa diyaaradahaasi uu sii socdo saacadaha ama maalmaha soo socda. Dowladda iyo hay’adaha ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin arrintan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *