Duqeyn lagu burburiyay Xeradii tababar ee ugu weyneyd Al-Shabaab

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo culus ka fuliyay xerada tababarka Al-Shabaab ee lagu magacaabo Sheekh Maxamed Raage, taas oo ku taalla degaanka Dumaaye, qiyaastii 25 KM dhanka degmada Xaradheere kaga beegan Koofurta Gobolka Mudug.
Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in xilliga duqeynta ay ka socotay xerada ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo halkaasi ku qaadanayay tababarro militari. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo arrintan ku saabsan.
Goobta hadda loo adeegsado xerada tababarka ayaa markii hore ahayd xarun diimeed oo lagu faafiyo diinta Islaamka, taas oo uu maamuli jiray Alle ha u naxariistee Sheekh Maxamed Raage, oo ahaa wadaad caan ka ahaa deegaanka. Dadka deegaanka ayaa goobtan u yaqiinnay Mowlaca Sheekh Maxamed Raage.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay horey u bililiqaysatay dhulka iyo dhismayaasha goobtaas, kadibna u beddeshay xarun tababar oo ay ku diyaariyaan dagaalyahannadooda.
Tani waa markii labaad ee duqeyn laga fuliyo xaruntan, iyadoo duqeyn hore ay ka dhacday dabayaaqadii sanadkii 2023, markaas oo diyaaradaha dagaalka ay burburiyeen maleeshiyaad ku sugnaa halkaasi.









