Dowladda oo Ciidamadii ugu badnaa geysay duleedka Xawaadleey iyo go’doon la geliyay Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka ciidamo hor leh ku xoojisay howlgalka ay Ciidamada Xoogga Dalka ka wadaan deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Al-Shabaab, balse dowladdu ay dooneyso inay dib ula wareegto degaankaas.
Wararka laga helayo furimaha hore ee dagaalka ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan Ciidanka Melletariga Soomaaliya saaka lagu biiriyay ciidamada horey uga waday dhaq-dhaqaaqyada milatari duleedka deegaanka Xawaadleey, kuwaas oo wada qorshe lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab.
Ilo wareedyo amni ayaa tilmaamaya in kooxda Al-Shabaab ay godad iyo difaacyo ka qodatay gudaha iyo hareeraha deegaanka Xawaadleey, si ay uga hortagaan weerarka ay qorsheynayaan ciidamada dowladda. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in uu jiro qorshe cad oo lagu doonayo in kooxda laga saaro deegaankaas.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in ay dib ugu soo celiso ammaanka deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo marar badan ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
Ilaa hadda lama soo sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ka socda duleedka Xawaadleey, balse wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay sii wadaan abaabulka iyo diyaargarowga weerarka.









