Bajaajleyda Muqdisho oo Maalinta Khamiista ku dhawaaqay Banaanbax weyn

Bajaajleyda ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay bannaanbax weyn oo ay uga cabanayaan kororka lagu sameeyay qiimaha shidaalka, kaas oo ay sheegeen in uu saameyn weyn ku yeeshay shaqadooda.
Darawallada bajaajta ayaa sheegay in ganacsatada shidaalka ay si lama filaan ah u kordhiyeen qiimaha, taasoo ku keentay culays dhaqaale oo saameeyay howlahooda maalinlaha ah.
Bajaajleyda ayaa tilmaamay in sababta kororka qiimaha shidaalka lagu sheegay inay la xiriirto dagaallada ka socda Bariga Dhexe, kuwaas oo saameyn ku yeeshay suuqyada shidaalka.
Sidoo kale darawallada ayaa ku dhawaaqay in ay qaban doonaan bannaanbax ballaaran maalinta Khamiista, iyagoo sheegay in inta bannaanbaxu socdo aysan jiri doonin wax bajaaj ah oo ka shaqeynaya magaalada.
Waxay sheegeen in tallaabadan ay u qaadeen si ay u muujiyaan cabashadooda, isla markaana ay ugu baaqayaan ganacsatada shidaalka iyo mas’uuliyiinta dowladda inay wax ka qabtaan kororka qiimaha shidaalka.
Bajaajleyda Muqdisho ayaa kamid ah gaadiidka ugu badan ee ay isticmaalaan shacabka caasimadda, waxaana hakadka shaqadooda uu saameyn ku yeelan karaa isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada.









