Sheekh Shaakir oo qaaday tallaabo ka carey siisay mucaaradka

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Towfiiq Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa soo saaray qoraal uu ku bogaadiyey tallabadii labada aqal ee Baarlamaanka JFS ay ku ansixiyeen dastuurka dalka iyo saxiixa dastuurka ee Madaxweynaha JFS.
“Tallaabada taariikhiga ah ee lagu meel mariyay dastuurka Soomaaliya loogana gudbay magicii dastuur ku meel gaar ah, waxay Soomaliya u furtay waddo cusub oo ka turjumaysa dhismaha dowladnimadda Soomaaliya iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.
Qoraalka Sheekh Shaakir ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan hambalyo u dirayaa madaxda dowlada iyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida geesinimada leh ee ay uga soo shaqeeyeen in Soomaaliya yeelato dastuur dhameystiran oo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya iyo in la helo dowladnimo si wax ku ool ah ugu adeegta Shacabka Soomaaliyeed.”
Tallaabadan uu qaaday Sheekh Shaakir ayaa waxaa ay ka careeysiisay siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo kasoo horjeeda waxka bedelka lagu sameeyay Dastuurka.










