LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamadii Saciid Deni ee la dagaalamay Daacish oo gadooday iyo xiisad ka dhalatay

Lix Urur oo ka tirsan ciidamada Puntland ee ka qayb galay dagaalladii Calmiskaad ayaa gadood ka sameeyay kadib markii ay waayeen ballanqaadyo ay horay u heleen. Ballanqaadyadaasi waxaa ka mid ahaa dalacsiin, abaal-marin, iyo dayactirka gaadiidkoodii burburay.

Ciidamadu waxay madaxweynaha ka codsadeen in ballanqaadyadii la fuliyo, hase yeeshee, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amray in lagu xareeyo tababar, arrintan oo horseeday gadoodka ciidamada.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in mashquulka siyaasadeed ee madaxweynaha, gaar ahaan ka qaybqaadashada arrimaha Soomaaliya iyo marti-gelinta shirka mucaaradka, ay ka mashquulisay xalinta arrimaha gudaha iyo tixgelinta ciidamada soo halgamay.

Madaxtooyada Puntland ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin gadoodkaan, waxana la filayaa in maalmaha soo socda loo diro Saraakiil katirsan Ciidamada Madaxtooyada si loo xaliyo tabashada Ciidamadaas oo intii ay dagaalka kujireen Goobo badan ka xorreeyay Maleeshiyada Daacish oo dhibaato badan ku hayay Shacabka Gobolka bari.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *