LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Villa Somalia oo ka been abuuratay waxka-bedelka lagu sameeyay Dastuurka

Villa Soomaaliya ayaa caalamka u sheegtay in Dastuurka Cusub lagu daray aragtiyo siyaasadeed oo uu ku daray wada-tashiyadii lagu sameeyay dastuurka madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Afhayeenka madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa maqaal uu shalay ku qoray shabakadda Al Jazeera Media Network kaga hadlay ansixinta dastuurka, wuxuuna cinwaan uga dhigay: “Qalinkii waa la rafacay, dastuurkiina waa ansax.”

Qeyb ka mid ah qormadiisa ayuu kaga hadlay sida dastuurkan ay Soomaalidu isugu raacsan tahay, isagoo yiri:

“Mid ka mid ah astaamaha ugu mudan ee guushan ayaa ah inaysan ka dhalan go’aan hal dhinac ah, balse ay tahay mid ka timid wada-tashiyo ballaaran oo ay ka qayb galeen dhammaan dhinacyada siyaasadda. Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ayaa tixgeliyey aragtiyo badan oo ay soo jeediyeen xoogagga mucaaradka, gaar ahaan madaxweynihii hore Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, oo hadda xubin ka ah Baarlamaanka.

Guddigu waxa uu wax ka beddelay qaar ka mid ah qodobada dastuurka si ay uga jawaabaan talooyinkaas, taas oo xoojisay ruuxa is-afgaradka siyaasadeed, isla markaana xaqiijisay in dastuurka cusub uu dhab ahaan ka turjumayo heshiis qaran oo ballaaran oo muujinaya rabitaanka wadajirka ah ee shacabka Soomaaliyeed.”

Hadalkan ayaa u muuqda mid Villa Somalia uga been sheegtay Dastuurka waxka-bedelka lagu sameeyay, kaas oo ay diidan yihiin Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Muqdisho & Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *