DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Markabka Shidaalka ka qodayo soomaaliya oo soo gaaray Afrika

Markabka sahminta iyo qodista shidaalka ee lagu magacaabo Çagri Bey, kaas oo ay leedahay dowladda Turkiga isla markaana ka mid ah maraakiibta loo qorsheeyay inay ka shaqeeyaan shidaalka Soomaaliya, ayaa soo gaaray dalka Namibia ee ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in markabkan uu haatan ku sugan yahay xeebaha Namibia, isaga oo kusoo wajahan biyaha Soomaaliya, halkaas oo la filayo inuu ka billaabo howlaha qodista iyo sahminta shidaalka ee ku jira badda Soomaaliya.

Markabka Çagri Bey ayaa ah mid ka mid ah maraakiibta casriga ah ee loo adeegsado baaritaanka iyo qodista shidaalka badda hoosteeda, waxaana la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato dadaallada lagu doonayo in lagu ogaado lana soo saaro kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ku jira biyaha Soomaaliya.

Howshan ayaa qeyb ka ah heshiisyadii iskaashi ee dhinaca tamarta ee ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kuwaas oo diiradda saaraya sahminta iyo horumarinta kheyraadka shidaalka ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in sahminta shidaalka ay fure u noqon karto kobaca dhaqaalaha dalka, iyadoo la rajeynayo in helitaanka kheyraadka dabiiciga ah uu kaalin weyn ka qaato horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Safarka markabka Çagri Bey ee kusoo wajahan Soomaaliya ayaa la filayaa inuu noqdo tallaabo cusub oo muhiim u ah bilaabashada howlaha qodista shidaalka ee badda Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *