Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal waabarigii saakay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka, xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen duleedka degmada Waajid. Weerarkaasi ayaa sababay dagaal culus oo socday saacado, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsadeen rasaas iyo hub kala duwan. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab, islamarkaana ay gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Saraakiishu…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u duulay dalka Tanzania si uu uga qeyb galo shir ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan East African Community, oo loo yaqaan Bulshada Bariga Afrika. Shirkan oo ah kulankii 25-aad ee caadiga ah ee madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika ayaa lagu qaban doonaa magaalada Arusha 7-da Maarso 2026, waxaana ka qeyb geli doona madaxda dalalka xubnaha ka ah ururkaasi. Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, horumarinta dhaqaalaha gobolka, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyo dardargelinta mashaariicda wadajirka…
Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dhaqdhaqaaqyo milatari ka wadaan dhulka ku teedsan deegaanka Ugunji ee gobolkaas. Howlgalladan ayaa lagu beegsanayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ee fariisimaha ku leh deegaanadaasi, iyadoo ujeedadu tahay in laga saaro goobaha ay ku sugan yihiin isla markaana la sii ballaariyo gulufka militari ee ka dhanka ah kooxda. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, ciidamada ayaa wada abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo muujinaya in la qorsheynayo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannada ku dhow Ugunji iyo nawaaxigeeda. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay guulo…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga deyrisay xaaladda abaaraha ka jira dalka, iyadoo sheegtay in weli aysan helin gurmadkii ay ka filayeen hay’adaha caalamiga ah iyo dowladaha taageeri jiray Soomaaliya. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa arrintan ka sheegay kulan uu kaga qeyb galay barnaamij ka baxay Twitter Space, halkaas oo uu kaga hadlay xaaladda bini’aadantinimo ee sii xumaaneysa. Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in hay’addiisu ay la kulantay dhammaan safiirrada caalamiga ah ee jooga Soomaaliya si ay uga codsadaan gurmad degdeg ah oo wax looga qabto abaaraha, balse ilaa hadda aysan helin taageero muuqata.…
Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday magaalada Jowhar, kadib markii nin oday ah uu ku geeriyooday goob aaska ka socday xilli uu dul taagnaa qabriga walaashiis oo la aasayay. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamuud Talaad ayaa u yimid magaalada Jowhar si uu uga qeyb galo aaska walaashiis Madiina Maxamuud Talaad, oo dhawaan geeriyootay. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in intii lagu guda jiray aaska ay shini si lama filaan ah u weerartay dadka ku sugnaa xabaalaha, taas oo sababtay jahwareer iyo cabsi soo wajahday dadkii halkaas joogay. Marxuum Cali Maxamuud Talaad ayaa la sheegay in shinidu si…
Magaalada caasimadda u ah dalka Iiraan ee Tehran ayaa saacadihii hore ee saakay la kulantay duqeymo culus oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil, sida ay warisay warbaahinta gudaha Iiraan iyo ilo warbaahineed oo caalami ah. Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay koonfurta magaalada, halkaas oo qaraxyo xooggan iyo dab ka kacay xarumo la sheegay in ay ahaayeen goobo militari iyo kaabayaal muhiim ah. Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa baahisay muuqaallo muujinaya holac iyo qiiq cirka isku shareeray, kadib markii gantaallo iyo duqeymo cirka ah ay ku dhaceen qaybo ka mid ah magaalada. Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyada laga…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taleefoon kula hadlay madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, isagoo cadaadis ku saaray inay soo saaraan hambalyo ku aaddan guusha laga gaaray meel-marinta wax-ka-beddelka dastuurka. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa arrintaas ku xiray shuruud adag, taas oo ah in xilka laga qaado Xasan Eelay, Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Soomaaliya uu kasoo horjeestay dalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee ah in xilka laga qaado Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Eelaay. Dhanka kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo marar badan ka aqbalay…
Senator Leeyla Nuur Maax oo katirsan Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa si adag u dhaliishay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyadoo sheegtay in muddada xilkiisa ay ku eg tahay 14-ka April 2026. Senator-ka ayaa hadal ay jeedisay ku sheegtay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku fashilmay hoggaaminta golaha, isla markaana uu jahawareer ku abuuray shacabka Soomaaliyeed iyo habsami u socodka howlaha Baarlamaanka. Waxay sidoo kale tilmaantay in haddii ay dalka ka dhacaan falal dambiyeed ama qalalaase siyaasadeed, mas’uuliyadda dusha laga saari doono Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Senator Leeyla Nuur Maax ayaa intaas ku dartay…
Kulan xasaasi ah oo u dhexeeyay Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, musharrax Madaxweyne Cabdiqadir Cosoble Cali iyo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka dhacay xarunta xisbiga Himilo Qaran ee magaalada Mugdisho. Kulankan oo lagu tilmaamay mid siyaasadeed oo muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo jihada siyaasadda Soomaaliya. Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in uu ku bilowday jawi is-soo dhoweyn iyo is-marxabeyn ah oo u dhexeeyay dhinacyada kulmay. Sida ilo xog-ogaal ah ay sheegayaan, Sheekh Shariif iyo Cabduqaadir Cosoble ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ka dalbaday in maamulkiisu u jihaysto…
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay fashilisay weerar lagu qorsheeyay xarun shidaal laga soo saaro iyo saldhig ciidan oo cirka ah. Sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca, oo hadalkan ku qoray barta bulshada ee X, lix diyaaradood oo aan duuliye lahayn ayaa la qabtay iyagoo ku sii jeeday goob shidaal, halka gantaal ballistic ah oo ku wajahan saldhig ciidan oo cirka ah la qabtay. Drones-ka waxaa lagu qabtay saxaraha ku yaalla koonfurta dalka. Aaggaas waxaa ku jira kayd shidaal oo aad u ballaaran, oo ay ku jirto goobta shidaalka ee Shebaa, taas oo Wasaaradda Difaacu sheegtay inay ahayd…