LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xildhibaan weerar Afka ah ku qaaday Guddoomiye Aadan Madoobe

Senator Leeyla Nuur Maax oo katirsan Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa si adag u dhaliishay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyadoo sheegtay in muddada xilkiisa ay ku eg tahay 14-ka April 2026.

Senator-ka ayaa hadal ay jeedisay ku sheegtay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku fashilmay hoggaaminta golaha, isla markaana uu jahawareer ku abuuray shacabka Soomaaliyeed iyo habsami u socodka howlaha Baarlamaanka.

Waxay sidoo kale tilmaantay in haddii ay dalka ka dhacaan falal dambiyeed ama qalalaase siyaasadeed, mas’uuliyadda dusha laga saari doono Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Senator Leeyla Nuur Maax ayaa intaas ku dartay in Guddoomiyaha sharci lala xisaabtami karo haddii lagu helo waxyeello ama khaladaad ka dhaca hoggaamintiisa.

“Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu ku egyahay 14-ka April 2026, waxaana muhiim ah in la ilaaliyo sharciga iyo nidaamka dowladeed,” ayay tiri Senator Leeyla Nuur Maax.

Dhaliisha ay Senator-ku u jeedisay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku soo beegmeysa xilli Guddoomiyaha uu Goob fagaaro ah ka sheegay in muddo xileedka Hay’adaha dowladda lagu kordhiyay muddo hal Sano ah.

Ilaa iyo hadda, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) si rasmi ah ugama uusan jawaabin eedeymaha iyo hadallada ka soo yeeray Senator Leeyla Nuur Maax.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *