Guluf Millateri oo ka billaawday degaano katirsan Shabeellaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dhaqdhaqaaqyo milatari ka wadaan dhulka ku teedsan deegaanka Ugunji ee gobolkaas.
Howlgalladan ayaa lagu beegsanayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ee fariisimaha ku leh deegaanadaasi, iyadoo ujeedadu tahay in laga saaro goobaha ay ku sugan yihiin isla markaana la sii ballaariyo gulufka militari ee ka dhanka ah kooxda.
Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, ciidamada ayaa wada abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo muujinaya in la qorsheynayo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannada ku dhow Ugunji iyo nawaaxigeeda.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay guulo ka gaaray howlgallo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo la wareegay deegaano dhowr ah oo horay ay u joogeen Al-Shabaab.
Deegaanada ay ciidamada dowladdu dhowaan la wareegeen waxaa ka mid ah Mubaarak, Daarusalaam, Awdheegle, Bariire, Sabiib iyo Caanoole, kuwaas oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee gobolka iyo deegaanada kale ee ay weli ku sugan yihiin maleeshiyaadkaasi.









