LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DHACDO NAXDIN LEH: Nin geeriyooday, isaga ka qeyb galaya Aaska Walaashiis

WAA SAWIRKA ODAYGA IYO WALAASHIIS

Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday magaalada Jowhar, kadib markii nin oday ah uu ku geeriyooday goob aaska ka socday xilli uu dul taagnaa qabriga walaashiis oo la aasayay.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamuud Talaad ayaa u yimid magaalada Jowhar si uu uga qeyb galo aaska walaashiis Madiina Maxamuud Talaad, oo dhawaan geeriyootay.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in intii lagu guda jiray aaska ay shini si lama filaan ah u weerartay dadka ku sugnaa xabaalaha, taas oo sababtay jahwareer iyo cabsi soo wajahday dadkii halkaas joogay.

Marxuum Cali Maxamuud Talaad ayaa la sheegay in shinidu si daran u cuntay, taasoo keentay in uu isla goobta ku geeriyoodo. Sidoo kale, ugu yaraan afar qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka shinida, kuwaas oo la sheegay in loo qaaday goobaha caafimaadka si loogu daweeyo.

Dadka ehellada iyo bulshada kale ee ka qeyb galaysay aaska ayaa aad uga naxay dhacdadan lama filaanka ah, maadaama marxuumku uu ka yimid magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo aaska walaashiis.

Dhacdadan ayaa si weyn uga argagaxisay dadkii goobta joogay, iyadoo noqotay musiibo kale oo ku dhacday qoyska, maadaama laba qof oo walaalo ah ay isku mar ku geeriyoodeen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *