Wararkii ugu dambeeyay dagaal qaraar oo dhex maray Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab

Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal waabarigii saakay ka dhacay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka, xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku lahaayeen duleedka degmada Waajid. Weerarkaasi ayaa sababay dagaal culus oo socday saacado, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsadeen rasaas iyo hub kala duwan.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab, islamarkaana ay gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Saraakiishu ma aysan sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray dhinacyada dagaalamay.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in xaaladda ay haatan degan tahay, kadib markii uu istaagay dagaalkii saaka ka dhacay duleedka Waajid.
Degmada Waajid waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamulka Koonfur Galbeed, iyo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.









