LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Laftagareen oo shuruud ku xiray dalab uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taleefoon kula hadlay madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, isagoo cadaadis ku saaray inay soo saaraan hambalyo ku aaddan guusha laga gaaray meel-marinta wax-ka-beddelka dastuurka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa arrintaas ku xiray shuruud adag, taas oo ah in xilka laga qaado Xasan Eelay, Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Soomaaliya uu kasoo horjeestay dalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee ah in xilka laga qaado Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Eelaay.

Dhanka kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo marar badan ka aqbalay Villa Soomaaliya in warka la baahin doono, balse ilaa iyo hadda Galmudug ma baahin war hambalyo iyo bogaadin ah oo la xiriira meel-marinta dastuurka cusub.

Sidoo kale, ilaa hadda Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan ma hambalyeyn. Xoghayaha Guud ee xisbiga, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa, ayaa ka maqnaa fadhigii lagu meel-mariyey wax-ka-beddelka dastuurka, iyadoo warar kala duwan la isla dhex marayo, kuwaas oo ay ka mid tahay inuu Xil Odowaa gadoodsan yahay lamana shaacin sababaha.

Si kastaba Madaxweynayaasha Galnudug iyo Koonfur Galbeed ayaa laga sugayaa inay u hambalyeeyaan ansixinta Dastuurka, si lamid ah Maamulada Hir-Shabeelle iyo Waqooyi Bari.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *