LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mareykanka oo jartay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya: Dowladda oo xaqiijisay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga deyrisay xaaladda abaaraha ka jira dalka, iyadoo sheegtay in weli aysan helin gurmadkii ay ka filayeen hay’adaha caalamiga ah iyo dowladaha taageeri jiray Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa arrintan ka sheegay kulan uu kaga qeyb galay barnaamij ka baxay Twitter Space, halkaas oo uu kaga hadlay xaaladda bini’aadantinimo ee sii xumaaneysa.

Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in hay’addiisu ay la kulantay dhammaan safiirrada caalamiga ah ee jooga Soomaaliya si ay uga codsadaan gurmad degdeg ah oo wax looga qabto abaaraha, balse ilaa hadda aysan helin taageero muuqata.

“Waxaan la kulannay dhammaan safiirrada caalamiga ah ee Soomaaliya jooga si aan uga codsanno in ay gacan naga siiyaan wax ka qabashada abaaraha, laakiin weli gurmad la taaban karo ma aanan helin,” ayuu yiri Guddoomiyaha SoDMA.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Mareykanka ay u sheegtay in aan si rasmi ah loogala tashan arrimaha la xiriira kaalmada abaaraha, taas oo uu sheegay inay niyad jab ku abuurtay dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha ka shaqeeya gurmadka.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Soomaaliya ay ka jirto abaar daran oo saameyn ku yeelatay qaybo badan oo dalka ah, taas oo sababtay biyo la’aan, cunno yari iyo barakac ay sameeyaan kumannaan qoys.

Dhanka kale, waxaa jira walaac la xiriira hoos u dhaca taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kadib markii la sheegay in Mareykanka uu hakiyay ama jaray qaar ka mid ah kaalmadii uu siin jiray dalka, sababo la xiriira eedeymo musuq maasuq oo la xiriira qaabka loo maareeyo gargaarka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday hay’adaha samafalka iyo dowladaha caalamka in ay si degdeg ah uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha, si looga hortago xaalad bini’aadantinimo oo sii xumaata.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *