LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maxaa looga hadlay Kulankii Sheekh Shariif, Cosoble & Madaxweynaha Hir-Shabeelle?.

Kulan xasaasi ah oo u dhexeeyay Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, musharrax Madaxweyne Cabdiqadir Cosoble Cali iyo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka dhacay xarunta xisbiga Himilo Qaran ee magaalada Mugdisho.

Kulankan oo lagu tilmaamay mid siyaasadeed oo muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo jihada siyaasadda Soomaaliya. Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in uu ku bilowday jawi is-soo dhoweyn iyo is-marxabeyn ah oo u dhexeeyay dhinacyada kulmay.

Sida ilo xog-ogaal ah ay sheegayaan, Sheekh Shariif iyo Cabduqaadir Cosoble ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ka dalbaday in maamulkiisu u jihaysto doorashooyin islamarkaana uu ka madax-bannaanaado saameynta siyaasadeed ee ka imaaneysa Villa Somalia.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la sheegay inuu ka caga-jiiday qaar ka mid ah dalabyada loo soo jeediyay, inkastoo maamulkiisu uu noqday dowlad-goboleedkii kaliya ee si cad u hambalyeeyay dastuurkii dhawaan la ansixiyay maamullada ku dhow dowladda federaalka.

Dhanka kale, warar dheeraad ah ayaa tilmaamaya in xubno kale oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka ay qorsheynayaan inay kulamo la yeeshaan Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug, si loo kordhiyo cadaadiska siyaasadeed ee lagu saarayo Villa Somalia.

Kulamadan iyo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha la xiriira dastuurka iyo jihada siyaasadda dalka, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay wadaan wada-xaajoodyo iyo kulamo isdaba joog ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *