DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Sacuudiga oo War kasoo saaray weerarka xarumaha Shidaalka

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay fashilisay weerar lagu qorsheeyay xarun shidaal laga soo saaro iyo saldhig ciidan oo cirka ah.
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca, oo hadalkan ku qoray barta bulshada ee X, lix diyaaradood oo aan duuliye lahayn ayaa la qabtay iyagoo ku sii jeeday goob shidaal, halka gantaal ballistic ah oo ku wajahan saldhig ciidan oo cirka ah la qabtay.
Drones-ka waxaa lagu qabtay saxaraha ku yaalla koonfurta dalka. Aaggaas waxaa ku jira kayd shidaal oo aad u ballaaran, oo ay ku jirto goobta shidaalka ee Shebaa, taas oo Wasaaradda Difaacu sheegtay inay ahayd bartilmaameedka weerarka.







