Author: Banaadir24 Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safraya magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya, halkaas oo uu kaga qeyb galayo shirka madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC). Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa qorshaha ay dalalka xubnaha ka ah ururkan uga shaqeynayaan sidii ay u mideyn lahaayeen suuqyada ganacsiga iyo isu-socodka dadka, si loo abuuro suuq mideysan oo dhaqaale ahaan isku xiran. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu shirka ka jeediyo khudbad ku saabsan doorka Soomaaliya ee ururka iyo sida ay uga faa’iideysan karto iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee dalalka Bariga Afrika. Sidoo kale, inta uu halkaasi joogo…

Read More

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku bogaadiyay sida ay uga soo dhalaaleen gudashada waajibkooda ee sugidda amniga iyo sida ay u suurtageliyeen in shacabka Soomaaliyeed ku soomaan nabad iyo ammaan. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay ciidanka dadaalkooda iyo halgankooda joogtada ah ee lagu difaacayo qaranka, isaga oo faray inay sii wadaan dadaalkooda ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab ee caqabadda ku ah nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka. “Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed waxay ogyihiin qiimihiinna, waxayna garanayaan duruufaha aad ku shaqeynaysaan. Waxay sidoo kale ogyihiin inaad hormuud…

Read More

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo uu wehliyay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) iyo saraakiil ka tirsan CXDS ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaannada (Macawisleyda) ee ku sugan xerada Qorilow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Booqashada Guddoomiye Dr. Muungaab ee xerada Qorilow ayaa ku salaysnayd u kuur-gelidda xaaladda ay ku hawlgalaan ciidamada iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa, taasi oo qayb ka ah qorshaha Duqa Muqdisho ee taageeridda iyo ka-warqabka ciidamada qaranka iyo kuwa deegaannada ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, maadaama ay laf-dhabar u yihiin difaaca amniga caasimadda Muqdisho. Guddoomiyaha…

Read More

Maxkamadda Cadaaladda Bariga Afrika oo mar kale dhegeysan doonta dacwadda xildhibaannada Soomaaliya ee Baarlamaanka EAC Maxkamadda Cadaaladda Bariga Afrika ayaa mar kale dhegeysan doonta dacwadda la xiriirta xildhibaannada sagaalka ah ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Bariga Afrika (East African Legislative Assembly. Sida ku cad ogeysiis rasmi ah oo kasoo baxay Maxkamadda, dhageysiga dacwaddan ayaa loo asteeyay Khamiista 19-ka Maarso 2026, saacaddu markay tahay 9:30 subaxnimo, waxaana lagu qaban doonaa xarunta Maxkamadda EACJ ee magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Kiiskan ayaa waxaa gudbiyay Ambassador Mohamed Ahmed Awil iyo qof kale, kuwaas oo ka soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Bariga…

Read More

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Ahmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku baaqay in la ilaaliyo dastuurka dalka isla markaana la helo doorasho lagu heshiiyo oo dalka ka qabsoonta. War-saxaafadeedka oo ka sooxisbiga ayaa lagu sheegay in Xisbiga Himilo Qaran uu si cad uga soo horjeedo wax kasta oo wax ka beddel ku sameynaya “dastuurka” haddii aan lagu saleyn heshiis qaran oo ay wada gaaraan dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed. Xisbiga ayaa tilmaamay in isbeddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka uu u baahan yahay in la maro hab sharci ah oo waafaqsan…

Read More

Dhalinyaro ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland oo dhawaan tababar shaqo ugu baxay dalka Israa’iil ayaa weli ku sugan halkaas, xilli ay dalkaasi ka dhacayaan weerarro dhinaca cirka ah oo kordhiyay walaaca laga qabo xaaladda amni. Dhalinyaradan oo loo diray tababar la xiriira horumarinta iyo maareynta khayraadka biyaha ayaa la sheegay inay barnaamij aqoon-kororsi ah ka qaadanayaan xarumo ku yaalla gudaha Israa’iil. Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo aqoonta iyo khibradda shaqaalaha ka shaqeeya arrimaha biyaha ee Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, maalmihii la soo dhaafay qoysaska dhalinyaradan ayaa muujiyay walaac ku saabsan badbaadadooda, kaddib markii ay…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xalay ku dhawaaqay in muddo hal sano ah loogu daray hay’adaha kala duwan ee dowladda. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in go’aankan uu ku saleysan yahay dastuurka cusub ee la ansixiyay. Hadalka guddoomiyaha ayaa si degdeg ah u kiciyay falcelin xooggan oo ka timid siyaasiyiinta mucaaradka iyo qayb ka mid ah shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in wax ka beddelka dastuurka loo adeegsaday dano siyaasadeed oo gaar ah. Shariif ayaa yiri: “Dastuurkii lagu heshiiyay waxaa loo beddelay ujeedooyin siyaasadeed oo gaar ah,” isaga oo…

Read More

Dalalka Khaliijka qaarkood ayaa la sheegay inay ka wada hadlayaan suurtagalnimada dib-u-eegis lagu sameeyo ama xitaa la joojiyo qaar ka mid ah qandaraasyada iyo maalgashiyada ay la leeyihiin Mareykanka, iyadoo tallaabadan loo arko mid ka dhalatay xiisadaha sii kordhaya ee gobolka. Warbixin uu daabacay Financial Times ayaa sheegtay in Sacuudiga, Imaaraatka Carabta, Kuwait iyo Qatar ay falanqeynayaan xiriirkooda dhaqaale ee Mareykanka, gaar ahaan heshiisyada waaweyn ee ganacsi iyo maalgashi. Tallaabadan ayaa la sheegay inay la xiriirto culayska dhaqaale iyo midka amni ee ka dhashay dagaalka u dhexeeya Iran iyo xulafada Mareykanka ee gobolka. Xiisadda sii kordheysa ayaa si weyn u…

Read More

Qiimaha shidaalka ee magaalada Muqdisho ayaa si lama filaan ah sare ugu kacay, iyadoo kororku gaarayo qiyaastii 77% marka loo eego qiimihii maalmo ka hor laga iibinayay suuqyada caasimadda. Maalmo ka hor, hal litir oo shidaal ah ayaa lagu iibinayay qiyaastii $0.65, hase yeeshee hadda qiimihiisu wuxuu gaaray $1.1 halkii litir. Kororkan ayaa si weyn u saameeyay gaadiidka iyo shacabka ku tiirsan shidaalka. Tusaale ahaan, 20 litir oo shidaal ah oo horey loogu iibin jiray $13, ayaa maanta gaaray $22, taasoo muujineysa koror degdeg ah oo culays dhaqaale ku keenaya dad badan. Ganacsatada qaarkood ayaa sheegaya in sare u kaca…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay kulan mahadcelin ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud u sameeyey Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shalay ansixiyey Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ayaa ugu horreyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahadceliyey kulanka mahadcelinta ah ee uu u sameeyey xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka dalka, isagoo ku dheeraaday marxaladihii ay soo mareen howlaha la xiriira in dastuurka dalka la qabyo tiro si uu u noqdo dastuur rasmi ah. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in dastuurka…

Read More