Author: Banaadir24 Editor

Mr. Swan ayaa xilkan muhiimka ah kala wareegaya Bintou Keita oo u dhalatay dalka Guinea, taas oo uu Xoghayuhu ku ammaanay kaalintii iyo adeeggii hufnaa ee ay ka gaysatay hawlgalka MONUSCO. Magacaabista James Swan ayaa timid iyadoo loo eegayo khibraddiisa baaxadda leh ee dhanka diblomaasiyadda, gaar ahaan ka shaqaynta dalalka Afrikaan-ka ah ee maraya xaaladaha adag ee dhanka siyaasadda iyo amniga. Mr. Swan waxa uu xilkan cusub ka hor ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, isagoo hoggaaminayay Hawlgalka KMG ah ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) tan iyo bishii March 2025, kaddib markii uu muddo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan af-fur ah ku maamuusay, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dadaalka, dulqaadka iyo mas’uuliyadda ay muujiyeen muddadii ay socotay shaqada Qaran ee dhammeystirka Dastuurka dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guushan ay tahay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowladnimada, midnimada iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka, isaga oo adkeeyey in Dastuurka la dhammeystiray uu saldhig u noqon doono dhismaha hay’adaha dowliga ah, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee ku dhisan sharciga iyo isla xisaabtanka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey khubaradii Soomaaliyeed iyo guddiyadii farsamo ee ka…

Read More

Ciidamo hor leh ayaa ku biiray ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed, iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cusub laga soo sheegayo degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Ciidamadan cusub ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin inay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed, iyagoo muujiyay taageeradooda iyo sida ay uga go’an tahay inay door ka qaataan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka jirta deegaannada maamulka Koonfur Galbeed. Ku biirista ciidamadan ayaa kusoo beegmaysa xilli maalmihii u dambeeyay la arkayay ciidamo ka sii goosanaya maamulka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Abdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Wararka laga helayo ilo deegaanka ah…

Read More

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyey kulanka Todobaadlaha ee Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa oo ka qabsoomay xarunta Akademiyada ee Generaal Kaahiye. Kulanka waxaa Warbixino la xiriira shaqadooda kasoo jeediyey Saraakiisha Fadhiyada kala ah Ilaalada Xeebaha, Dabdemiska Booliiska, Qeybta Guud Boliiska Gobolka Banaadir, Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Taliska La-dagaalanka Argagixisada. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey kulanka saameynta Amni iyo Dhaqaale ee ay Soomaaliya ku yeelan karto Xaaladda Dagaal ee kasoo cusboonaatay Bariga dhexe , waxaana uu Taliyuhu Saraakiisha faray in si dhow loola socdo isbadalada si looga hortago khatar kasta oo amni.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen u magacaabay Agaasime kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso tayeynta iyo hufnaanta shaqada hay’adaha Dowladda iyo dhiirrigelinta ka qeybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta iyo maamulka dowliga ah. Zakariye waxa uu ka soo shaqeynayey Madaxtooyada Qaranka muddo gaaraysa 10 sano, isagoo soo qabtay masuuliyaado kala duwan oo ay ugu danbaysay in uu ahaa Xogheynta Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Read More

Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (JFS), ahna La-taliyaha Sare ee Amniga Xafiiska Raysal Wasaaraha, Mukhtaar Jeyte, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilalkii uu ka hayay dowladda. Mukhtaar Jeyte oo maanta ka degay magaalada Garoowe, ayaa galabta warbaahinta la hadlay isagoo shaaciyey go’aanka iscasilaaddiisa. Wuxuu sheegay in uu si rasmi ah uga tagay xilalkii uu ka hayay xafiisyada amniga ee dowladda federaalka. Jeyte ayaa xusay in go’aankiisa uu yahay mid uu si gaar ah uga fiirsaday, isagoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin sababaha dhabta ah ee ku kalifay inuu xilka ka dego. Intii uu xilalkaasi…

Read More

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Degmada Buulo Burte Xasan Maxamed Cabdi iyo Duqii Magaalada Buulo Burte Cabdisalaan Cali Maxamed, kadib dhacdooyin la xiriiray arrimaha doorashooyinka deegaanka. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore), ayaa lagu shaaciyay in mas’uuliyiintan laga qaaday xilalkii ay hayeen, kadib markii ay soo baxeen khilaafyo iyo dhacdooyin la xiriiray xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka oo la xiray, sidoo kalena la qaatay qalabkii diiwaangelinta. Sida ku cad wareegtada, dhacdooyinkan ayaa ka dhacay Degmada Buulo Burte intii u dhaxeysay 21 ilaa 23 bishii Febraayo…

Read More

Golaha Wasiirrada Xukuumadd Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa looga hadlay amniga dalka, gurmadka xaaladda abaaraha, hawlgaladdii ugu dambeeyay ee ciidamadda xoogga dalka ay kula wareegeen deegaanno horleh, iyo warbixinno ku saabsan nidaamka casriyaynta dowladda iyo dardargalinta adeeg bixinta dowladda. Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiisyo caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal waxa ayna kala yihiin. 1- Heshiis is-afgarad oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka Baasaboorka Diblumaasiga kaasi oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan. 2- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka kuna saabsan arrimaha caafimaadka. 3-…

Read More

Maamulka Waqooyi Bari ayaa meelo kamid ah Gobolka Sanaag ku soo bandhigay ciidamo farabadan oo millateri ah, kuwaas oo la sheegay in dhowaan loo soo geba-gabeyn doono tababarkooda. Ciidamadan oo muddo tababar ku jiray ayaa lagu soo bandhigay goob fagaare ah, iyadoo saraakiil ka tirsan maamulka ay kormeereen ciidanka cusub. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ciidamadaasi ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo xasiloonida deegaannada gobolka. Sidoo kale waxaa la tilmaamay in ciidamadan loo qorsheeyay inay ka howlgalaan degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Gobolka Sanaag, halkaas oo marar badan ay ka jiraan xiisado la xiriira muranka u dhexeeya…

Read More

Kadib markii Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay shalay ansixiyeen wax ka bedel lagu sameeyay 15 cutub oo kamid ah dastuurka KMG ah ee dalka, ayaa waxaa soo baxaya hadal-heyn siyaasadeed oo ku saabsan aamusaanta qaar kamid ah maamul goboleedyada taageera dowladda federaalka. Inkasta oo go’aanka baarlamaanka uu si weyn uga dhex muuqday doodaha siyaasadeed ee dalka, haddana qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada ayaa weli ka gaabsaday inay si rasmi ah uga hadlaan ama hambalyo u diraan tallaabadaas. Madaxda aan weli wax hadal ah kasoo saarin ansixinta dastuurka waxaa kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur…

Read More