DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Mareykanka & Isra’iil oo Maanta duqeymo ku burburiyay Xarumo kuyaalla Iiran

Magaalada caasimadda u ah dalka Iiraan ee Tehran ayaa saacadihii hore ee saakay la kulantay duqeymo culus oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil, sida ay warisay warbaahinta gudaha Iiraan iyo ilo warbaahineed oo caalami ah.

Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay koonfurta magaalada, halkaas oo qaraxyo xooggan iyo dab ka kacay xarumo la sheegay in ay ahaayeen goobo militari iyo kaabayaal muhiim ah.

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa baahisay muuqaallo muujinaya holac iyo qiiq cirka isku shareeray, kadib markii gantaallo iyo duqeymo cirka ah ay ku dhaceen qaybo ka mid ah magaalada. Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyada laga maqlayay meelo badan oo caasimadda ah, iyadoo qaar ka mid ah dhismayaasha ay waxyeello soo gaartay.

Weerarrada ayaa la rumeysan yahay in lagu bartilmaameedsaday xarumo ay leeyihiin ciidamada Iiraan, gaar ahaan kuwa la xiriira ciidamada Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) iyo xarumo kale oo dowladda ka tirsan.

Maraykanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah duqeymaha lagu burburiyay nidaamyada difaaca hawada iyo saldhigyo lagu tuuro gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *