Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Taliyaha Cusub ee Ciidanka Cirka oo xilka la wareegay ballan qaadna sameeyay
    LATEST NEWS

    Taliyaha Cusub ee Ciidanka Cirka oo xilka la wareegay ballan qaadna sameeyay

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor7 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliya, kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta taliska ee magaalada Muqdisho.

    Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo marti sharaf kale. Intii ay socotay munaasabadda, waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay taliska iyo mas’uuliyadda hoggaaminta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed taliyaha cusub.

    Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi) ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku sheegay in uu xoogga saari doono dib-u-dhiska, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, si ay door muuqda uga qaataan sugidda amniga dalka iyo difaaca hawada Soomaaliya.

    “Tallaabooyinka aan qaadi doono waxaa ka mid noqon doona dib-u-habeynta ciidanka, kor u qaadidda tababarrada iyo xoojinta awoodda hawlgal ee Ciidanka Cirka, si ay si hufan uga qeyb qaataan difaaca qaranka,” ayuu yiri taliyaha cusub.

    Sidoo kale, taliyaha cusub ayaa xusay in wada shaqeyn dhow ay la yeelan doonaan hay’adaha kale ee amniga iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

    Magacaabista iyo xil wareejinta taliyaha cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojineyso dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Cirka oo muddooyinkii dambe la waday qorshayaal lagu horumarinayo.

    Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ku leh ilaalinta hawada dalka, taageeridda hawlgallada ciidamada dhulka, iyo xoojinta guud ahaan amniga qaranka.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleSawirro:- Dad badan oo ku Geeriyooday Roob xooggan oo ka Da’ay Nairobi
    Next Article Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir uga qeyb galay dalka Tanzania
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    By Banaadir246 October 20260

    Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland
    • Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato
    • Turkiga iyo Pakistan oo ciidamo u diraya Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d