LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Cirka oo xilka la wareegay ballan qaadna sameeyay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliya, kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta taliska ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo marti sharaf kale. Intii ay socotay munaasabadda, waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay taliska iyo mas’uuliyadda hoggaaminta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed taliyaha cusub.

Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi) ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku sheegay in uu xoogga saari doono dib-u-dhiska, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, si ay door muuqda uga qaataan sugidda amniga dalka iyo difaaca hawada Soomaaliya.

“Tallaabooyinka aan qaadi doono waxaa ka mid noqon doona dib-u-habeynta ciidanka, kor u qaadidda tababarrada iyo xoojinta awoodda hawlgal ee Ciidanka Cirka, si ay si hufan uga qeyb qaataan difaaca qaranka,” ayuu yiri taliyaha cusub.

Sidoo kale, taliyaha cusub ayaa xusay in wada shaqeyn dhow ay la yeelan doonaan hay’adaha kale ee amniga iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Magacaabista iyo xil wareejinta taliyaha cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojineyso dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Cirka oo muddooyinkii dambe la waday qorshayaal lagu horumarinayo.

Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ku leh ilaalinta hawada dalka, taageeridda hawlgallada ciidamada dhulka, iyo xoojinta guud ahaan amniga qaranka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *