Ammar xoogan oo goordhow kasoo baxay Maamulka Puntland ( Warsaxaafadeed)

Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta ee Dowlad-goboleedka Puntland ayaa soo saartay amar cusub oo ku saabsan isticmaalka cod-baahiyeyaasha (sameecadaha) masaajidda inta lagu jiro tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan.
Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa lagu faray culimada, imaamyada masaajidda, mu’adiniinta, iyo maamulka degmooyinka in la damiyo cod-baahiyeyaasha dibadda ee masaajidda inta lagu guda jiro salaadda Tahajudka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankan looga gol leeyahay in la yareeyo dhibaatada buuqa ee ka dhalata cod-baahiyeyaasha, gaar ahaan dadka waayeelka ah iyo dadka xanuunsan ee guryaha ku jira, kuwaas oo ay ku adkaan karto hurdada xilliyada habeenkii.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay xustay in inkastoo salaadda Tahajudku ay tahay cibaado aad u fadli badan oo si gaar ah loogu dadaalo tobanka dambe ee Ramadaan, haddana ay muhiim tahay in la tixgeliyo xaaladda dadka bulshada ka midka ah ee u baahan nasasho iyo degganaansho habeenkii.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Puntland waxay ku wargelisay dhammaan guddiyada masaajidda, mu’adiniinta iyo hay’adaha culimada in ay si buuxda u fuliyaan amarkan, isla markaana ay la shaqeeyaan maamulka degmooyinka si loo hubiyo hirgelintiisa.
Go’aankan ayaa imanaya iyadoo tobanka dambe ee bisha Ramadaan ay si gaar ah ugu badan yihiin cibaadooyinka habeenkii, gaar ahaan salaadda Tahajudka oo ay masaajiddu si joogto ah u qabtaan.










