DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Jabuuti iyo Imaaradka oo ka wada-hadlay dagaalka Bariga Dhexe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta wada hadal telfoon la yeeshay Madaxweynaha dalka Isutagag Imaaraadka, Sheekh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Jabuuti.

Wadahadalka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xaaladda colaadeed ee ka taagan mandiqadda Bariga Dhexe, iyadoo ay isla falanqeeyeen saamaynta ay ku yeelan karto xasilloonida gobolka iyo dadaallada lagu gaari karo nabad waarta.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka u dhexeeya Djibouti iyo Imaaraadka Carabta, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee danaha wadaagga ah.

Wararka laga helayo Jabuuti ayaa tilmaamaya in hoggaamiyeyaashu ay is dhaafsadeen aragtiyo ku aaddan xoojinta nabadda Bariga Dhexe iyo kor u qaadista iskaashi qoto dheer oo dhex mara dalalka Carabta.

Inkasta oo faahfaahin dheeraad ah laga bixin qodobbada kale ee laga hadlay, haddana wada hadalkan ayaa loo arkaa mid xambaarsan muhiimad siyaasadeed oo gaar ah. Arrintan ayaa imaneysa xilli xiriirka u dhexeeya Jabuuti iyo Imaaraatka uusan ahayn mid si buuxda u hagaagsan, iyadoo Madaxweyne Geelle uu dhawaan si adag u dhaliilay doorka Imaaraatka ee qaar ka mid ah arrimaha gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *