DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Dalalka Jaamacadda Carabta oo yeelanaya kulan degdeg ah

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inay maalinta Axadda yeeshaan kulan degdeg ah, kaas oo looga hadlayo weerarro lagu eedeeyay Iran oo ka dhacay dalal dhowr ah oo Carbeed.

Kulankan oo lagu qaban doono hab muuqaal-shir (video conference) ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda amni ee gobolka iyo saameynta weerarrada lagu sheegay inay Iran ka fulisay ama ku lug leedahay, iyada oo ka jawaabeysa weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil.

Wararka laga helayo Jaamacadda Carabta ayaa sheegaya in kulankan degdegga ah ay codsadeen dalal dhowr ah oo xubno ka ah ururka, kuwaas oo kala ah Kuwait, Sacuudi Carabiya, Qatar, Cumaan, Urdun iyo Masar.

Dalalkan ayaa muujiyay walaac ku aaddan xaaladda amni ee sii xumaaneysa ee gobolka, iyagoo doonaya in si wadajir ah looga tashado tallaabooyin lagu xoojinayo xasilloonida iyo ammaanka dalalka Carbeed.

Kulankan ayaa sidoo kale la filayaa in laga soo saaro bayaan rasmi ah oo ku saabsan mowqifka dalalka Jaamacadda Carabta ee ku aaddan arrimahan iyo sida ay u wajahaan xiisadda ka taagan gobolka.

Jaamacadda Carabta ayaa marar badan hore uga hadashay xiisadaha u dhexeeya dalalka Carabta iyo Iran, iyadoo mar walba ku baaqday in la xalliyo khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo wada hadal iyo xalal diblomaasiyadeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *