Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixaya waxka-bedelka Dastuurka, xilli mucaaradka diidan yihiin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta uu saxiixo dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay, kaas oo ay dhowaan ansixiyeen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda saxiixa oo la filayo inay ka dhacdo Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb geli doona Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, xubno ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa habeenno ka hor sheegay in dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay uu si rasmi ah u dhaqan geli doono marka uu saxiixo Madaxweynaha. Waxyaabaha ugu waaweyn ee ku jira wax-ka-beddelkan waxaa ka mid ah in muddo hal sano ah loo kordhiyo hay’adaha dowladda, iyo in xubnaha Golaha Wasiirrada ee ka tirsan Baarlamaanka ay lumiyaan kursigooda Xildhibaannimo marka ay xil wasiir qabtaan.
Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka ayaa si weyn uga soo horjeestay wax-ka-beddelka dastuurka. Waxay sheegeen in ay wadaan qorsheyaal siyaasadeed iyo sharci oo ay kaga hortagayaan hirgelinta isbeddellada lagu sameeyay dastuurka.
Arrintan ayaa la filayaa inay sii huriso doodaha siyaasadeed ee ka jira dalka, xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad kala guur ah oo ku saabsan dhismaha nidaamka dowladnimo iyo hannaanka doorashooyinka mustaqbalka.









