Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Shabeellaha Dhexe & Taliyaha xoogga oo ku biiray

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan dhulka u dhaxeeya degmooyinka Warsheekh iyo Xawaadleey.
Howlgalladan ayaa la sheegay in ay qayb ka yihiin dadaallada lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe ee ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al‑Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ku sugan deegaannada Qorilow iyo Jabad Godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyay in ay laba jibbaaraan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee howlgalka ay tahay in laga saaro Al-Shabaab dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Sidoo kale, saraakiisha ciidamada ayaa tilmaamay in iskaashiga u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Macawiisleyda uu door weyn ka qaadanayo guulaha laga gaarayo howlgallada ka socda gobolka. Waxaa la filayaa in howlgaladu sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo in deegaanadaasi ay si buuxda uga baxaan Al-Shabaab.









