LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Dowladda Soomaaliya oo furtay Xarun looga hortago weerarada Amniga…

Dowladda Soomaaliya waxay markaan isku diyaarineysaa in aanay mar kale soo laaban dhacdo lamid ah weerarkii lagu jabsaday nidaamka E-Visa-ga dalka.
Muqdisho ayaa maanta lagu daahfuray xarun cusub oo loogu talagalay ka hortagga iyo ka jawaabidda weerarrada dhanka internetka ee lagu beegsado hay’adaha dowladda.
Xaruntan waxaa hirgelisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo ujeedkeedu yahay xoojinta amniga dhijitaalka ah ee dalka iyo ka hortagga in mar kale la jabsado nidaamyada internetka ee dowladda.
Mas’uuliyiin sar sare oo katirsan Dowladda ayaa ka qeyb galay munaasabadda, iyaga oo sheegay in qorshahaan uu wax badan ka tari karo dowladnimada Soomaaliya.









