Sawirro:- Dad badan oo ku Geeriyooday Roob xooggan oo ka Da’ay Nairobi

In ka badan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen roob xooggan oo ka da’ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo sababay fatahaado iyo burbur soo gaaray waddooyin badan.
Roobka oo aad u xooganaa ayaa jaray waddooyin muhiim ah, waxaana la sheegay in xaaladda magaalada ay gaartay meel halis ah, iyadoo gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa dadka ay si weyn u saameeyeen. Qaar ka mid ah xaafadaha ayaa sidoo kale la sheegay in ay biyuhu galeen guryaha iyo goobaha ganacsiga.
Hay’adaha gurmadka degdegga ah iyo maamulka magaalada ayaa wali wada baaritaanno ku saabsan khasaaraha ka dhashay fatahaadaha, iyadoo digniino dheeraad ah loo dirayo dadka ku nool meelaha halista u ah daadadka.
Illaa iyo hadda lama soo sheegin in dad Soomaali ah ay ku jiraan dadka ku dhintay roobabkaas, hase yeeshee baaritaanno ayaa wali socda si loo ogaado xaaladda guud ee dadka ay dhibaatadu saameysay.
Dhanka kale, lama soo warin wax khasaare ah oo gaaray Suuqa Islii ee magaalada Nairobi, oo ah goob ay si weyn uga ganacsadaan Soomaalida ku nool Kenya. Ganacsatada iyo dadka deegaanka ayaa si dhow ula socda xaaladda roobabka iyo saamaynta ay ku yeelan karaan ganacsiga.
Mas’uuliyiinta Kenya ayaa ugu baaqay dadka ku nool meelaha daadadka u nugul inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan, isla markaana ay ka fogaadaan waddooyinka ay biyuhu gooyeen ilaa xaaladdu ka hagaagayso.










