Itoobiya oo Kumanaan Askari u Dirtay Gobolka Tigree, Xiisad Dagaal oo Soo Kordhaysa

Dowladda Itoobiya ayaa kumanaan askari iyo qalab culus oo ciidan u daad-gureysay gobolka Tigree ee waqooyiga dalka, sida ay sheegayaan warar ka soo baxaya ilo kala duwan.
Ciidamada la geeyay gobolka ayaa la sheegay inay wataan dabaabaadka dagaalka, saanad ciidan, diyaarado iyo hub culus oo kala duwan, kuwaas oo la gaarsiiyay aagga xuduudaha gobolka Tigree saacadihii la soo dhaafay.
Warbaahinta caalamiga ah ee The Wall Street Journal ayaa ku warrantay, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in dhaqdhaqaaqan milatari uu ku soo beegmayo xilli xiisad siyaasadeed iyo mid amni ay mar kale ka soo cusboonaatay gobolka Tigree.
Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in xiisadda sii kordheysa ay halis u tahay inay dhaliso dagaal cusub, haddii aan xal degdeg ah laga gaarin khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo hoggaanka gobolka.
Gobolka Tigray ayaa hore u martigeliyay dagaal culus oo socday muddo laba sano ku dhow, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda federaalka ee Ethiopia iyo xoogagga TPLF. Dagaalkaas ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana barakiciyay malaayiin qof.
Inkasta oo heshiis nabadeed la gaaray dabayaaqadii 2022, haddana wararka hadda soo baxaya ayaa muujinaya in xiisad cusub ay mar kale ka soo cusboonaatay gobolka.
Ilaa hadda dowladda Itoobiya si rasmi ah ugama aysan hadlin dhaqdhaqaaqa ciidamada ee gobolka Tigree, balse arrintan ayaa si dhow loola socdaa iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu isku beddesho dagaal kale oo gobolka ka qarxa.









