LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wararkii ugu dambeeyay dagaaal qaraar oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in dagaal qaraar uu ka dhacay deegaanka Iidow Dhegaal ee duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo xaaladda amni ee gobolka ay sii xumaaneyso saacadihii lasoo dhaafay.

Deegaankan ayaa ku dhow Ceel-doon, halkaas oo hore loogu dilay laba taliye guuto oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka kadib dagaallo iyo howlgallo ciidan oo dhacay maalmo kahor.

Dagaalka cusub ayaa yimid kadib markii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo ay sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo amni, xilli ay sii kordhayaan cabsi la xiriirta qalalaase iyo isku dhacyo horleh.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay weerareen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada madaxweynihii la awood sheegtay ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in la maqlayay rasaas culus iyo hub noocyo kala duwan ah oo la isku adeegsanayay, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Xaaladda Baydhabo iyo guud ahaan gobolka Bay ayaa maalmihii dambe sii xumaaneysay, kadib abaabul ciidan oo ay wadeen dhinacyo iska soo horjeeda iyo xiisado siyaasadeed oo la xiriira maamulka Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *