Somaliland Oo Qudus U Aqoonsatay Caasimadda Israa’iil

Safiirka Somaliland u magacowday Israa’iil, Dr. Maxamed Xaaji, ayaa shaaciyay in safaaradda Somaliland laga furi doono magaalada Qudus (Jerusalem), isagoo si cad ugu aqoonsaday magaaladaas caasimadda Israa’iil.
Dr. Maxamed Xaaji ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay safaarad ka furan doonto magaalada Hargeysa, arrintaas oo uu ku tilmaamay bilow cusub oo muujinaya xiriir sii xoogeysanaya iyo iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.
Qoraal uu baahiyay ayuu ku yiri:
“Waxaan ku faraxsanahay inaan shaaciyo in Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland laga furi doono Jerusalem dhawaan, halka Israa’iil-na ay safaarad ka furan doonto Hargeysa.”
Tallaabadan ayaa dhalisay hadal heyn siyaasadeed oo xooggan, maadaama Qudus ay tahay magaalo muran badan ka taagan yahay, islamarkaana dalal badan oo caalamka ah aysan u aqoonsan caasimadda Israa’iil.
Israa’iil ayaa dhawaan ayaa ah dalka kaliya ee Somaliland u aqoonsaday dal ka madax banaan Soomaaliya taasoo dhalisay caro iyo cambaareyn xoogan oo ka timid qaar kamida dalalka caalamka oo Somaliland u aqoonsan inay tahay qeyb kamida Soomaaliya.









