Golaha Mustaqbalka oo ka jawaabay hanajbaadda Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Fiqi

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed culus kasoo saaray hanjabaado ay sheegeen in loo jeediyay xubnahooda iyo musharraxiinta siyaasadeed, iyagoo si toos ah farta ugu fiiqay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Goluhu wuxuu sheegay in hanjabaadahaasi aysan ahayn kuwo shaqsiyeed oo keliya, balse ay khatar ku yihiin amniga, xasilloonida iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, xilli Soomaaliya ay wajahaysa xaalad siyaasadeed oo cakiran.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in muddooyinkii dambe ay jireen cadaadisyo iyo cabburin siyaasadeed oo ka dhan ah mucaaradka, iyadoo goluhu uu ka digay tallaabo kasta oo horseedi karta qalalaase iyo sharci jab.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ciidamada qalabka sida ugu baaqay inay ilaaliyaan dastuurka iyo badqabka shacabka, islamarkaana aysan ku milmin arrimaha siyaasadda ama amarro sharci darro ah.
Goluhu wuxuu ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ugu baaqay inay si dhow ula socdaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.









