Xasan Sheekh oo mushaarka u kordhiyay ciidamada xilli uu cabsi ka qabo…

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu mushaar kordhin u sameeyay ciidamada dowladda, iyadoo askarta dableeyda ah oo hore u qaadan jirtay $200 oo mushaarka ah bishii hadda loo kordhiyay loogana dhigay $300.
Qorshahan cusub ee mushaar kordhinta ayaa kusoo aadaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo xileedka madaxweynaha oo dhammaaday, islamarkaana mucaaradka ay si weyn uga horyimaadeen tallaabada sanad dheeraadka ah ee uu sheegay inuu ku darsaday, taasoo laga cabsi qabo inay dalka u horseedi dagaal iyo fowdo.
Ilo amni oo la hadlay Banaadir24 Online ayaa sheegay in dowladda ay dadaal xooggan ku bixinayso sidii loo xoojin lahaa taageerada ciidamada, xilli cadaadis siyaasadeed uu uga imaanayo siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan muddo kordhinta iyo jihada siyaasadeed ee dalka loo wado.
Sidoo kale, saraakiisha amniga ayaa tilmaamay in qorshahan mushaar kordhinta uu salka ku hayo sidii ciidamada loogu adkeyn lahaa daacadnimada dowladda dhexe, loogana hortagi lahaa kala qeybsanaan ama cadaadis gudaha ah oo saameeya hay’adaha amniga, iyadoo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay mareyso marxalad xasaasi ah.
Lama oga in mushaar kordhinta loo sameeyay ciidamada ay ka joojin doonto inay u goostaan siyaasiyiinta mucaaradka ah gaar ahaan kuwa ay isku reerka yihiin iyo inay Xasan Sheekh ku taageeri doonaan muddo xileedka dheeraadka ah ee uu ku darsaday.









