Shacabka Muqdisho oo tallaabo lama filaan ah qaaday & Burcad dadka dhici jirtay oo…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Daarusalaam ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay saddex nin oo lagu eedeeyay inay dhibaato joogto ah ku hayeen shacabka ku nool xaafaddaas.
Raggan ayaa la sheegay inay dadka ka dhici jireen taleefannada gacanta iyo agab kale oo ay wataan, iyagoo cabsi iyo amni darro ka abuuray deegaanka muddooyinkii dambe.
Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, shacabka xaafadda oo kaashanaya ciidamada booliiska ayaa maanta tallaabo adag ka qaaday raggaasi, waxaana wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in mid kamid ah uu goobta ku dhintay halka labada kale loo qaaday isbitaal iyagoo qaba dhaawacyo aad u culus.
Dadka deegaanka ayaa rumeysan in tallaabadan oo ka dhalatay wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada booliiska ay wax badan ka beddeli doonto ammaanka Daarusalaam, islamarkaana ay yareyn doonto dhacii iyo dhibaatooyinkii maalmihii lasoo dhaafay lagu hayay shacabka ku nool xaafaddaas.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli shacabka ku nool qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho ay sii kordhinayaan cabashada ku saabsan kooxaha dhaca iyo burcadda hubeysan ee dhibaateeya bulshada rayidka ah.









