Xujey Soomaaliyeed oo magaalada Makka ku go’doomiyay Wasiir Mukhtaar Roobow

Magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarama waxaa maanta ka dhacay buuq iyo muran la xiriira adeegyada Xajka, kadib markii koox ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ay hor istaageen gaari uu watay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in xujeyda careysan ay wasiirka ku eedeeyeen Wasaaradda Awqaafta inay ku fashilantay ilaalinta xuquuqdooda iyo bixinta adeegyo ku filan intii lagu guda jiray gudashada waajibaadka Xajka. Dadka mudaharaadayay ayaa cabasho xooggan ka muujiyay dhinacyada hoyga, gaadiidka iyo isku dubbaridka guud ee howlaha Xajka.
Muuqaallo iyo warbixino lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay hadallo kulul iyo dood adag oo dhexmartay wasiirka iyo qaar ka mid ah xujeyda goobta ku sugneyd, xilli xaaladdu ay ahayd mid kacsan.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii kordhayaan dhaliilaha loo jeedinayo maamulka adeegyada Xajka ee loo fidiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo qaar kamid ah xujeyda ay dalbanayaan isla xisaabtan dheeraad ah iyo in Wasaaradda Awqaafta ay sare u qaaddo kormeerka iyo tayada adeegyada la siiyo dadka xajka gudanaya.









