LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xalane Oo Laga Soo Saaray Go’aan Gilgilay Villa Somalia & Xasan Sheekh Oo…

Warar laga helayo kulan shalay galabtii ka dhacay Xerada Xalane ayaa sheegaya in wakiilada caalamiga ah ay xubnaha Golaha Mustaqbalka u xaqiijiyeen laba qodob oo xasaasi ah oo quseeya xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Daneeyayaasha caalamiga ah ayaa la sheegay inay qireen in dowladda Federaalka ay gashay xilli kala guur ah kaddib dhammaadka muddo xileedkeeda, islamarkaana loo baahan yahay in talada dalka lagu maareeyo si wadajir ah oo aan hal dhinac go’aan gaar u lahayn.

Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen in aan la aqbali karin doorasho uu dhinac kali ah go’aankeeda yeesho, iyadoo ay sheegeen in nooca iyo hannaanka doorashada lagu heshiin karo oo keliya wadatashi siyaasadeed.

Wakiilada caalamiga ah ayaa walaac xooggan ka muujiyay suurtagalnimada isku dhacyo siyaasadeed iyo kuwo amni oo xaaladda sii hurin kara, waxayna ugu baaqeen mucaaradka inay muujiyaan daganaan islamarkaana aysan albaabka wada hadalka xirin.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in daneeyayaasha caalamiga ah ay sidoo kale kulamo la leeyihiin dhinacyada kale ee siyaasadda, si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka ka taagan kala guurka iyo heshiiska doorashooyinka dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *