Author: Banaadir24

Wararka naga soo gaaraya ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Jimcaale Jaamac Takar u magacowday Taliyaha Qaybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, oo fadhigiisu yahay magaalada Garoowe. Magacaabistan ayaa la sheegay inay timid kadib markii Dowladda Federaalka ay dhammaystirtay qaab-dhismeedka talisyada ciidanka, isla markaana ay si rasmi ah u dhistay guutooyin iyo ururo hoos yimaada qaybtaas. Arrintan ayaa noqoneysa tallaabo si weyn loo hadal hayo, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee DFS ay si toos ah taliye qayb ciidan ugu magacowdo Puntland tan iyo xilligii dowlad-dhiskii Jamhuuriyadda Federaalka. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya…

Read More

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in afar askari oo horey uga tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Taliyaha Guutada 8-aad Cabdulle Isxaaq ay maanta si lama filaan ah uga soo bexeen magaalada, iyagoo ku biiray dhinacyada sheeganaya “halganka dib-u-xoreynta Koonfur Galbeed”. Tallaabadan ayaa si weyn u dhalisay hadal-heyn iyo shaki ku saabsan xaaladda gudaha ee ciidanka, iyadoo falanqeeyayaal qaar ay ku tilmaameen mid muujin karta kala qeybsanaan iyo hoos u dhac ku yimid kalsoonida gudaha ee cutubyada uu hoggaamiyo taliye Cabdulle Isxaaq. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in askartan ay ka mid ahaayeen ciidanka ugu dhow ee…

Read More

Maamulka Galmudug ayaa soo saaray bayaan culus oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Cali Mahamud Seeko, ayaa sheegay in Galmudug aysan aqbali doonin, kana qayb geli doonin guddi doorasho oo hadda muran xooggan ka taagan yahay, isagoo ku tilmaamay in guddoomiyaha guddigaasi loo arko inuu la safan yahay dhinac ka mid ah siyaasiyiinta is khilaafsan. Galmudug ayaa adkaysay in doorasho la isku halleyn karo ay suuragal tahay oo keliya marka ay jirto guddi doorasho oo madax-bannaan, dhexdhexaad ah, isla markaana ay ku kalsoon yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda. Maamulka…

Read More

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay $10 milyan ka sii daysay Sanduuqa Degdegga ah ee Bani’aadantinimada si loogu gurmado Soomaaliya, iyadoo dalka uu wajahayo khatar macluul oo sii xoogeysanaysa. Mas’uulka gargaarka bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Tom Fletcher ayaa sheegay in tallaabadan degdegga ah ay timid si looga hortago in xaaladdu isu beddesho macluul baahsan, isagoo xusay in “fursadda lagu badbaadin karo nolosha dadka ay aad u kooban tahay.” Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ku dhawaad 6 milyan oo qof ayaa wajahaya cunto yari daran, halka 1.9 milyan ay ku jiraan xaalad degdeg ah oo u baahan gargaar degdeg ah. Lacagtan cusub…

Read More

Warar isasoo taraya ayaa laga helayaa magaalada Baydhabo, halkaas oo xaalad siyaasadeed iyo mid amni ay si aad ah u kacsan tahay kadib isbedelkii ka dhacay magaaladaas iyadoo lagu eedeeyay ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud inay ku kaceen falal ka dhan dad ku heyb ah naxaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in kadib markii ciidamadaas ay la wareegeen qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo, ay si degdeg ah u dhaceen xarigyo iyo afduubyo loo geystay tiro rag ah oo ka soo jeeda deegaanka, kuwaas oo la sheegay in…

Read More

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ku wareejisay qalab casri ah oo ay bixisay Hay’adda Iskaashiga iyo Isuduwidda Turkiga (TİKA), si loo xoojiyo loona casriyeeyo howlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in taageeradan ay kor u qaadi doonto hufnaanta hay’adda, dardargelin doonto adeegyada ay wasaaraddu bixiso, isla markaana ka qeyb qaadan doonto dadaallada lagu gaarayo isku-filnaanshaha cuntada ee dalka. “Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa TİKA iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, kuwaas oo maanta noo soo gaarsiiyay wejigii koowaad ee taageerada aan codsanay,” ayuu yiri wasiirku intii…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali ayaa Maanta Xafiiska ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika Mudane Maxamed Kariim Fu’aad Shariif. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, hirgelinta iyo horumarinta heshiisyada jira, iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada ay labada waddan danaha wadaagga ah ka leeyihiin. Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya…

Read More

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye (BTK) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah. Heshiiskan, Hay’adaha HIQ iyo BTK waxay iska kaashan doonaan dhinacyada ay wada daneynayaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka, maareynta hirarka, hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan (broadband), amniga, adkaysiga shabakadaha, adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo qoddobo kale oo nidaamineed oo la xariira isgaarsiinta elektaroonigga ah. Heshiiska is-Afgaradka ah waxaa xarunta dhexe ee Hay’adda BTK ee Ankara, ku saxiixay Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda…

Read More

Maamulka Puntland ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay tallaabooyin ay sheegeen inay wiiqeen nidaamka federaalka, kordhiyeen khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana halis geliyeen amniga xeebaha Puntland. Khudbad uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Puntland, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in nidaamka federaalka Soomaaliya uu wajahayo caqabado waaweyn, isagoo ku eedeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka inay ka gudbeen xuduudaha dastuuriga ah isla markaana dhaawaceen xiriirka dowlad-goboleedyada. Deni ayaa ku andacooday in Madaxweyne Xasan Sheekh uu carqaladeeyay heshiisyadii lagu dhisay nidaamka federaalka, isla markaana uu bartilmaameedsaday maamullada xubnaha ka ah dowladda federaalka. Wuxuu…

Read More

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso isbeddel lagu sameeyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Gen. Kaniif), oo xilkan hayay tan iyo 1-dii Oktoobar 2019. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in jagadan lagu beddeli karo G/Sarre Cabdifaatax Bashiir Cali Mire, oo horey u soo noqday Taliyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Wararka la helayo ayaa intaa ku daraya in magacaabistan ay taageero ka helayaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka, kuwaas oo ay ku jiraan musharraxiin heer gobol ah. Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in qorshahan lagu xiriirinayo arrimo siyaasadeed…

Read More