LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Federaalka oo Qorsheyneysa Inay Xilka Ka Qaado Taliye Ku-xigeenka Booliska

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso isbeddel lagu sameeyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Gen. Kaniif), oo xilkan hayay tan iyo 1-dii Oktoobar 2019.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in jagadan lagu beddeli karo G/Sarre Cabdifaatax Bashiir Cali Mire, oo horey u soo noqday Taliyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa intaa ku daraya in magacaabistan ay taageero ka helayaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka, kuwaas oo ay ku jiraan musharraxiin heer gobol ah.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in qorshahan lagu xiriirinayo arrimo siyaasadeed iyo is-faham la’aan la sheegay inay la xiriirto xiriirrada qaar ka mid ah saraakiisha sare ee lala xiriirinayo siyaasiyiin mucaarad ah.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si cad u xaqiijinaya ama u beeninaya isbeddelkan la hadal hayo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *