Xog: Dowladda Federaalka Oo Xabsiga Dhigtay Saraakiil Iyo Masuuliyiin Ku Beel Ah Laftagareen

Warar isasoo taraya ayaa laga helayaa magaalada Baydhabo, halkaas oo xaalad siyaasadeed iyo mid amni ay si aad ah u kacsan tahay kadib isbedelkii ka dhacay magaaladaas iyadoo lagu eedeeyay ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud inay ku kaceen falal ka dhan dad ku heyb ah naxaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in kadib markii ciidamadaas ay la wareegeen qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo, ay si degdeg ah u dhaceen xarigyo iyo afduubyo loo geystay tiro rag ah oo ka soo jeeda deegaanka, kuwaas oo la sheegay in si qasab ah loogu qaaday magaalada Muqdisho, halkaas oo ilaa hadda aan si rasmi ah loo ogayn halka ay ku dambeeyeen iyo sababta rasmiga ah ee loo qabtay.
Ragga la sheegay in la qaaday ayaa magacyadooda lagu kala sheegay: Maxamed Cusmaan Garaafow, Hareed Cabdi, Kabtan Awiil Ibraahim, Maxamed Cali Manaanow, Cabdullaahi Aadan, Gashiin Mad Guud, iyo Cabduqani Maxamed Xaaji.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa usheegay Banaadir24 Online, in raggan la afduubtay ku heyb yihiin Laftagareen.
Dhanka kale, xiisaddan cusub waxaa barbar socda eedeymo hore oo culus oo hore uga taagnaa magaalada Baydhabo, kuwaas oo sheegaya in qaar ka mid ah ciidamada iyo saraakiisha maamulka Laftagareen lagu dilay gudaha magaalada, halka warar kale oo aan la xaqiijin ay tilmaamayaan in qaarkood meydadkooda lagu sameeyay falal aad u xun oo ay ka mid tahay in aashito lagu shubay. Eedeymahan ayaa si weyn u gilgilay shacabka deegaanka, inkastoo aysan jirin xaqiijin madax-bannaan oo si buuxda u caddeyneysa.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan dhacdooyinkan is xigxiga.









